Kenya oo ciidamo degaanka ah dhigtay Sohdinta ay la wadaagto Somaliya

Dowladda Kenya ayaa tababartay Ciidamo u dhashay degaannada Gobolka Waqooyi Bari,waxaana 100 kii Askari ee ugu horreysay la geeyay Gobolka Wajeer si ay u sugaan sohdinta Soomaaliya.

Arrintan waxaa ay ka dambeysay kaddib markii Al-shabaab ay weerarro ku qaadeen Iskuullada ku yaalla Gobolka taas oo sababtay in Barayaasha Ajanabiga ah ee Gobolka ay ka baxaan degaankaas.

Ciidamadan ayaa loo bixiyay  Booliska Kenydka Qaranka,waxaana ay hoostagayaan Booliska Kenya,iyaga oo ka shaqeynaya amniga degaannada waqooyi Bari.

Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in ay tababareyso Ciidamo badan oo noocaas ah si ay Al-shabaab uga ilaaliyaan goobaha waxbarashada Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari.

Inkabadan 15 Iskuu oo ku yaalla Wajeer kaliya ayaa macallimiintii ka carareen iyda oo kuwo kalena ay wal wal ka qabaan arrintaas.

Ururka Macallimiinta Kenya ee loo soo gaabiyo KNUT,ayaa sheegay in Barayaasha aaan u dhalan degaankaas laga saarayo maaddaama amnigooda lagu guul darreystay.

Jimcihii la soo dhaafay weerar ay AL-shabaab ku qaadeen Dugsi ku yaalla Wajeer waxaa ay ku dileen Labo Macallim iyo mid ka mid ah Xaasaska Macallimiintaas.