Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo la wareegay Qalabka Idaacadi Al-Shabaab ee Andalus.

Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda u sheegtay in ciidamada Dowlada ay la wareegeen qalabka idaacad ay leeyihiin Al-Shabaab oo Andaluus la yiraahdo oo ku taalay Deegaanka Mubaarak ee G/Shabeelaha Hoose.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ayaa warbaahinta u sheegay in Dowlada Soomaaliya ay la soo wareegtay qalabkii Idaacada Andalus ee Al-Shabaab ugu tiilay degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh/ hoose.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta ayaa ku tilmaamay inay tahay guul u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in Shabaab la gala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen, wuxuuna arintaasi ku ammaanay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi ay fuliyeen uu ahaa mid qorsheysanaa oo ay ku burburiyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.