Anisa ”Waxay iga qaateen wiilkeyga markii aan cisbitaalka la galay wiil kale oo iga xanuunsanaa…”

Anisa oo ah hooyo dagen magaalada Örebro ee dalka Sweden isla markaana ku shaqeysata turjbaanka luqadada soomaaliga iyo iswidhishka ahna kalkaaliso caafimaad ee qeebta hoose (Undersökerska) ayaa waxaa la soo gudboonaaday dhibaato ku dhacday in ay wiil ay dhashay ay ka qaateen hay’adda u qaabilsan arimaha qoyska ee magaaladda ay ka degen tahay dalka Sweden.

Waxaay nooga faalootay dhibaatada ku dhacday hooyadaas soomaaliyeed markii mid ka mid ah caruurteeda uu xanuusaday ayna la gashay cisbitaalka caruurta, caruurteeda kale oo saddax ah ay joogeen guriga, mid kamin ah caruurdeeda uu ubaaday caawinaad dheeri ah, markaasina ay qolyaha arimaha qoyska ay ka codsadeen in caruurtaasi loo qeeyo familo kale.

Waxaa ay hay’adda qoyska degamada ka codsatay in laga caawino caruuta kale ee ay guriga ku hayaan si ay cunuga jiray iyo ilmaha kale ay iyada mas’uul uga ahaato inta ay uu ka caafimaadaayo unuga jiray.

Waxaa wareysiga kale qeeb galaayo khabiir soomaaliyeed oo ku soo takhasusay cilmiga arimaha bulshada mudane Axmed Xirsi oo degen magaalada Umeå ee dalka Sweden.

Wareysigan waxaa inoo daadihinaayo ama noo soo wareystay wariye Axmed Afrax (Aar) oo ka tirsan wariyayaasha idaacada Somaliweyn Radio Sweden.

Halka ka dhageyso ama ka Daawo