Al-shabab oo sheegtay in Askari Mareykan ah ku dishay Jubada Hoose

Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay in ay dishay Askari Mareykanka iyo afar Afrikaan ah kaddib weerar ka dhacay Gobolka Jubada hoose.

War ka soo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal ka dhacay inta u dhaxeysay Tuulooyinka Yoontooy iyo Buulo Guduud ay ku dileen Askarta Ajanabiga ah iyo kuwo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Al-shabaab waxaa ay sheegtay in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Isbaheysanaya iyo kuwa Al-shabaab oo shalay iyo maanta ka socdo Gobolka Jubada hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa Buulo Guduud iyo Yoontooy.

Warka ka soo baxay Al-shabaab waxaa intaas lagu daray in Ciidamada labada dhinac ay tan iyo saaka dagaallamayaan iyada oo diyaarado dagaal ay dul heehaabayaan degaankaas.

Saraakiisha u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya,Kenya,Mareykanka iyo kuwa Jubaland ay maalintii labaad kula dagaallamayaan degaanka Buulo Guduud.

Ma jiraan ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo dagaalkaas xaqiijiyay iyada oo duleedka kismaayo uu shalay ka dhacay dagaal.