Golaha wasiirrada oo kulan deg deg ah ku leh Muqdisho

Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah waxaa ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyada oo diiradda saaraya labo qodob.

Golaha ayaa qorshuhu yahay in uu shir gudoomiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isla kulanka ayaa la filayaa in looga dhawaaqo Taliyaasha Booliiska iyo Nabad sugidda, waxaana xilalkaan horay looga qaaday 29-kii October.

Tan iyo Xiligaasi waxaa xilalka taliyaasha Nabad sugidda iyo Booliiska hayey ku xigeenada Booliiska iyo Nabad sugidda.

Waxaa wali banaan xilalka Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, oo ay baneysay Dr. Maryan Qaasim oo is casishay 15-kii November, kadib markii ay sheegtay in ay ku shaqeyn weysay isbarbar yaac jira.

Isla bishii November 26-keeda Golaha Wasiirada ayaa xilka ka qaadis ku sameeyey Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Iimaan C/llaahi Cali.

Sidoo kale waxaa Banaan Xilka Wasiirka Warfaafhinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo uu baneeyey Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir loo Magacaabay 21-kii Janaayo ee sanadkaan.