Danjire Fiqi: ” ma awoodno in aan tagno xabsiyada Maggafayaasha”

Danjiraha Soomaaliya ee midowga Yurub oo ku sugan Dalka Liibiya ayaa sheegay in wafddiga dowladda Soomaaliya ee dalkaasi u jooga soo celinta Tahriibayaasha Somalida ah ay ku adag tahay in ay gaaraan xabsiyada ay maamulaan muqallasiinta Soomaalida u taqaan Maggafayaasha.

Danjire Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dowladda Liibiya xitaa aysan awood u lahayn in ay kooxahaas wadahadal la gasho ama awood u adeegsato sidii ay uga siideyn lahayd maxaabiista la addoonsado ee ay heystaan.

Fiqi waxaa uu sheegay in Liibiya ay saddex jeer ka weyn tahay Soomaaliya islamarkaana ay adag tahay in la booqdo dhamaan xabsiyada ay ku jiraan tahriibayaasha Soomaalida ah.

Waxaa uu sheegay in Soomaalida maxaabiista ah ee u xiran Maggafayaasha ay la kulmaan ciqaab badan oo ay ka midyihiin jirdil,kufsi,addoonsi iyo in xitaa Maxaabiista ay ku dhacaan cudurro aad halis u ah.

Danjire Fiqi ayaa sheegay in Maggafayaasha ay Soomaalida iyo dhamaan dadka ay heystaan iska siidaayaan marka ay xanuunsadaan ee ay u maleeyaan in aysan bogsaneyn.

Dowladda Liibiya ayuu sheegay in iyaga iyo dhamaan wakiillada dalalka dadkooda lagu heysto Liibiya u diidday in ay tagaan Gobollada ay maamulaan Maggafayaasha.

Dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa laga soo dejiyay 10 Dhallinyaro Soomaali ah oo codsaday in dalka dib loogu celiyo iyaga oo ku jiray gacanta dowladda Liibiya.