Waa yaabee Yaa na Qunfulay?

Markuu yaraa waxaa laga qunfulay, Madaxa, Maskada,Lugaha,iyo Gacmaha. ( fiiri sawirada 1,2,3 &4aad). Kadibna lacag ayaa Afka u qunfushay ( fiiri sawirka 5aad).kadibna wixii uu gaadiid lahaa ayuu qunfushay ( fiiri sawirada 6-13aad).kadibna wixii uu ku dhaqmayay ayuu wada qunfushay , xataa kursigii Masjidka yiil kama tagin, qufulo kayd ahna waa diyaarsaday. Fiiri sawirada 14-22aad).

Waa been qonfuladu , wax kuu Qafilan ma jiraan, hadiiba wadankaagu dhinac waliba ka furan yahay badda , birriga ,iyo cirrkaba. Diintaada ma ka qunfulatay Gaalada?. Cibaadadaada maka qunfulutay shaydaanka?. Daacadnimada waalidka maka qunfulatay caasinimo?. Waxbarashadaada maka qunfulatay saameeyn shisheeye?. Ubadkaaga maka qunfulatay akhlaaq xumo?. Dowladaada maka qafilatay dawarsi?. Xildhibaankaaga maka qafilatay laaluush?. Nabadoonkaaga maka qafilatay igu shubo?. Asgarigaaga ma ka qafilatay isbaaro?. Ganacsatadaada maka qafilatay dulsaar?, Diasporadaada qaar maka qafilatay dood & damiinnimo?. Aqoonyahan kaaga qaar maka qafilatay Qab aan jirin iyo qiima la’aan?.

Soomaalida badankeeda hal shey ayaan hubaa in uu si fiican u funfushay ayna difaacanayaan waa QABIILKA.

Marka aad sawirada wada fiiriso kadib ka jawaab, Sidee ku helnaa sidii aan halka Qunful Qabiil ee Ruujinada noqday aan isaga furi laheeyn, inta kale ee been qufulanna aan ugu heli laheeyn qonfula sax ah? Soo sheeg jawaabta, hadaad tahay qof ka badbaaday qunfula beenaadyada .

FG: Mahadsanid ,aragtidaada xor ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir.