Muwaadiniinta Mareykanka oo looga digay xaaladda ammaan ee dalka Itoobiya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa digniin ka soo saartay xaalada ammaanka dalka Itoobiya, kadib markii todobaadkii hore ay ka dhaceen mudaharaadyo ay ku dhinteen toban qof, iyadoo shaqaaqadaas ay ka dhaceen deeganda ay ku nool yihiin Qowmiyada Oromada.

Qoraalka ka soo baxay Maraykanka ayaa lagu sheegay in Safaaradda Mareykanka si KMG ah u hakineyso dhammaan safarrada ka baxsan magaalada Addis Ababa ee loogu talagalay shaqaalaha nabadgelyada ee safaarada.

Dowladda Maraykanka ayaa waxay muwaadiniinteeda ku sugan Itoobiya kula talisay inay si dhow ula socdaan isbedelada xaalada amni,maadaama dhibaato ka soo gaari karto muwaadiniinta Mareykanka ee ku nool dalka Itoobiya.

Dhanka kale maalmihii la soo dhaafay xilkiisa iska casilay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, si xal loogu helo kacdoonada dalkiisa ka socda ee looga soo horjeedo dowladda, iyadoo weli kacsan Xaalada dalka Itoobiya,maadaama laga cabsi qabo in dhibaatooyinka xiligan ka jira ay sii bataan,inkastoo Golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya ku dhawaaqeen in xaalad deg deg lagu soo rogo dalkaasi.