Wasaaradda Amniga oo Sheegtay in ay dad u qabatay Askari Muqdisho lagu dilay.

Wasaarada amniga Somaliya ayaa ka hadashay dilkii Shalay ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, Kaasoo loo geystay askari katirsan Ciidanka Dowladda.

Afhayeenka Wasaarada amniga Somaliya C/Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa Warbaahinta usheegay in askariga lagu dilay Isgoyska Baar ubax ay dilkiisa geysteen 5 Kamid ah dagaalyahanada Shabaab oo Watay Bistoolado, Dilka kadib ayuu sheegay in Ciidamo katirsan Dowladda Somaliya ay ku bexeen halka dilka uu ka dhacay.

Xildhibaan waxa uu sheegay iney Gacanta ku soo dhigeen 3 Kamid ah  Shabaabkii dilka geystay, halka labada kalena ay baxsadeen, Raga ay gacanta ku soo dhigeen ayuu sheegay iney kutimid Wada shaqeyn ay ka heleen laamaha amniga Shacabka ku dhaqan nawaaxiga goobta uu dilka ka dhacay.

Laamaha amniga ayuu sheegay iney Cadaalada horkeeni doonaan dadka eedeysanayaasha ah ee Gacanta lagu soo dhigay oo haatan Su’aalo lagu weydiinayo Xarumaha danbi baarista.

Al-Shabaab oo sheegtay dilkii Shalay duhurnimadii ka dhacay Nawaaxiga Masaajidka Xareed, ayaa sheegtay iney Goobta ka baxsadeen Dagaalamayaashooda, Sidoo kale deegaanka Daaru Salaam ayey Shabaab sheegteen iney dil ka geysteen.