QM oo Dowladda Imaaraadka ka dalbatay inay kordhiyaan Taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Ambassador Michiel keting Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa Safaaradda Imaaraadka uu ku leeyihiin caasimada Soomaaliya ee Muqdisho u sheegay in loo baahan yahay inay kordhiyaan Taageeradooda ay siiyaan Soomaaliya.

Kulandhexmaray Ergayga gaarka ah ee QM Keting iyo Safiirka imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed ayay uga hadleen xiriirka ka dhaxeeya xafiiska QM ee Muqdsiho iyo waliba Safaaradda imaaraadka ee Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa si weyn uga hadlay sidii loo xoojin lahaa Kaalmada la siiyo Soomaaliyo si loo joogteeyo deganaashaha Soomaaliya iyo hormarkeeda.

Dhanka kale Ambassador Micheal Kieting ayaa mahadnaq u jeediyay Imaaraadka, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in imaaraadka ay sii xoojinayso taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo Safiirka Iimaaradka ee Soomaliya uu isna dhankiisa ugu mahadnaqaay booqashada ay ugu yimaadeen madaxda QM ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhexmarta labada dhinac.