Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Macalimiin Kenyaati ah ku dilay Gobolka waqooyi Bari Kenya

Wararka ka imaanaya deegaanka Qarsa ee ismaamulka Wajeer ee Gobolka W/Bari Kenya ayaa waxaa saakay lagu dilay Macalimiin ka howgalayay deegaankaasi.

Stephen Ngetich Taliyaha Ciidamda Koontiga Wajeer ayaa shaaca ka qaaday in Malseeshiyaad ka tirsan garabka Al-Shabaab ee Kenya ee Al-Ayman inay ku dileen sedex macalin oo wax ka dhigayay iskuul ku yaalla deegaanka Qarsa ee wajeer hoostaga.

Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan 5-weerar ay ka dhaceen koontiga Wajeer in ka yar Hal bil, wuxuuna sheegay inay taasi muujinayso sida Al-Shabaab ay ugu soo xoogaysanayaan Deegaanadaasi.

Dhanka kale Ciidamada Kenya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxay sheegayeen inay wadaan qorshe ay ku yareenayaan weerarada Al-Shabaab ey ka geystaan Gobolka W/Bari ee dalka Kenya.