Maamulka Gobolka Gedo oo sheegay inay isa soo dhiibeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta gobalka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay in Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay iska soo shiibeen degmooyinka Baladxaawo iyo Baardheere ee gobalkaas.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in degmada Baardheere uu iska dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay 14-kii bishan Beladxaawo uu iska dhiibay Sarkaal kale oo ka tirsan Shabaab.

Dhanka kale Maamulka Gedo wuxuu sheegay ninka iska dhiibay degmada Baardheere inuu yahay nin Sarkaal ah oo watay Qori AK-47 ah, Afar Bastooladood iyo Telefoono ay lahaayeen Ciidamadii uu hoggaaminayay, maadaama xilligaasi ay isku diyaarinayeen Howlgal, oo raggii la socday uu ka uruuriyay Telefoonadooda.