Daawo: Aqoon iyo Akhlaaq kee baan guursadaa

Aqoon iyo Akhlaaq qofka aadanaha hadduu isku helo waa nimco. Laakin Beryahan waxaa badanaya dad badan oo aqoon jaamacadeed heer sare leh oo akhlaaqdooda liidato dhinac walba ha ahaato xagga reerkooda iyo bulshada ay la nool yihiin.

Hantida ugu weyna oo qod Alle siiyo tawxiidka ka bacdi waa akhlaaqda wanaagsan. Guurka iyo xiriir kastoo aadanaha aad la leedahay ayay kuu fududeynaysaa oo furo ayay u noqotaa. Ilaahay Akhlaaqdeena ha inoo hagaajiyo.

Aqoonyahanka dhabta ah waa kan aqoontiisa bulshada ku anfaco. Aqoontiisa ay hunguri hogaaminaynin. Guurka akhlaaqda ayaa ugu muhiimsan, akhlaaqdana waxaa laga kasbadaa waalidiinta, Bii’ada aad ku nooshahay iyo mawaaqif dhib iyo dheef ah oo ku soo wajahay.

 

Facebook Comments