Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa marka hore sheegay in Xukumaddiisu ay ka shaqeyneyso sidii dalkan loo gaarsiin lahaa Doorasho Qof iy Cod ah.
Waxaana uu sidookale fariin u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo hor jeeda dowladda, taasi oo ku aadan hadddii aysan garab siineyn dowladdu in aysan dhibaateyn Xukuumaddiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in wada shaqeyn dhow ay la yeeshaan Xukuumadda, si looga mira dhaliyo in dalkan la gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.