Maxkamadda ciidamada oo bilowday dhageysiga dacwadda dilkii taliye ku xigeenka Badda

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa bilowday dhageysiga kiiskii dilka ahaa ee dhowaan Muqdisho loogu geystay Taliye kuxigeenkii Ciidamada Badda Saciid Aadan Yuusuf (Saciid Mariino).

Dilkan ayaa waxaa geystay Sarkaal ka tirsan ciidanka Badda oo lagu magacaabo G/sare C/naasir Xoosh, kaasoo 18-kii bishii hore Taliye kuxigeenka ku dhex dilay Xadiis ku yaala Dekeda Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida oo furay dhageysiga dacwada kiiskan oo qaadan doono muddo.

Dhageysiga dacwada dilka loo heysto G/sare C/naasir Xoosh ayaa lagu soo beegay, maanta oo ay Ciidamada Badda u dabaal dagayaan sanadkii guuradii 53aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay.