QM oo shaacisay qaabab lagu yareyn karo Abaaraha iyo Macluusha ku soo laablaabtay Dalka Soomaaliya

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay in afar arrin lagu yareen karo Macluusha ku soo laalaabatay dalka Soomaaliya xiliyadii dambe.

QM ayaa warbixintaeeda ku sheegtay in dowlada Soomaaliya iyo Hay`adaha gar gaarka ay la daalo dhaceen sanadihii ugu danbeeyay Abaarihii dalka Soomaaliya ka dhacay, iyadoo QM ay sheegtay in 5.4 Milyan oo ruux ay hadda u baahan yihiin gar gaar Bini’aadanimo oo loo fidiyo.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dhibaatooyinka faraha badan ee haysta dadka danta yar lagu yareen karo  qodobadaan soo socda ee afartaan qodob ka kooban:

  • in la bixiyo Cuno iyo lacag Cadaan ah oo la siiyo dadka la il daran macluusha, si ay ugu maareeyaan noloshooda, kuwaas oo ku nool qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
  • Waa in sidoo kale lala dagaalamo Macluusha, taas oo aysheegeen inay tahay midda ugu daran ee haysato dadka ugu nugal ee ku jira xeryaha Bara-kacayaasha ah ee ku yaala dalka.
  • In Guryo loo sameeyo 1.2 milyan oo ruux oo guryo la`aan ah, kuwaas oo u nugol Qoraxda, Dhaxanta, iyo Roobabka.
  • Isbadalka Cimilada oo qeyb ka ah dhibaatooyinka haysta dadka ku dhibaateysan xeryaha Barakacayaasha ah ee Soomaaliya, kuwaas oo roob la`aanta jirta darteed ay sababtay inay beeran waayaan beerahoodi, abaarhii dalka ka dhacayna ay sababeen in xoolihii ay dhaqanayeen ay ku waayaan.
Facebook Comments