Mukhtaar Roobow oo Bilaabay qorshihii ugu dambeeyay oo uu Al-Shabaab uga saarayo kawada Deegaanada K/Galbeed iyo jubbaland.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay ugu mid ahaa xubnaha sar sare ee Ururka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya kadib markii khilaaf uu soo kala dhax galay isaga iyo Al-Shabaab ayaa maalmihii danbe wuxuu waday abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Abuu Mansuur oo ku sugan deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ayaa wada dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay, waxayna wararku sheegayaan in dhaq dhaqaaqiisa uu ku sii fidaayo qeybo ka mid ah deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Jubaland.

Sheekh Roobow ayaa wuxuu haystaa Ciidamo fara badan oo isugu jira ilaaladiisa iyo kuwo kale oo ka soo goystay Maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuu xirooyin ciidan uu ku leeyahay gobolka Bay gaar ahaan meel aan ka fogeen Magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed.

Dhanka kale Nuurdiin Yuusuf Abuukar Afayeenka Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay inay jiraan dhaq dhaqaaqa ciidan ee uu wado Mukhtaar Roobow, kuwaas uu ka wado Deegaano hoos yimaada Gobolada Bay, Bakool, Gedo, Jubba-Hoose, Shabeelada Hoose iyo kuwoo kale, wuxuuna Ujeedkiisu yahay sidii uu Al-Shabaab uga saari lahaa Goboladaasi iyo Gobolo kale.