Maraykanka oo cuna-qabateyn saaray qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ee Puntland laga leeyahay iyo kuwa ajnabi ah

Maraykanka oo cuna-qabateyn saaray qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ee Puntland laga leeyahay iyo kuwa ajnabi ah.

Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar oo lagu eedeeyay in uu taageero dhaqaale iyo agab ugu deeqay Daacish iyo shabakadeeda dalka Philippines.

Sidoo kale Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik oo fadhigeedu yahay dalka Turkey ayaa cuna-qabateyn lagu soo rogay,waxaana lagu eedeeyay in uu Daacish u sahlay helitaanka qeybo kamid ah diyaaradaha is-wada.

Mohamed Mire Ali Yusuf oo ah nin Soomaaliya iyo shirkadihiisa, Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Commercial Company ayaa sidoo kale cuna-qabateyn la saaray ,waxaana lagu eedeeyay dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo Daacishta Soomaaliya

Xigasho:-Reuters News Agency