Hotel lagu dhigayay sanadguurada 8 February oo gacan ka hadal ka dhacay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Caasimda dalka Kenya ayaa sheegaya in Caawa gacan ka hadal ka dhacay Hoteel ay ka socotay Munaasabad lagu weyneynayay Sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay Doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabada ayaa ka dhaceysay Hoteelka Bin Cali ee ku yaala Xaafada ay Somalida dagto ee Islii, Waxaasa mar la isku diyaarinayay Furitaanka Munaasabada Hoolka soo galay  dhalinyaro watay sun ay ku buufiyeen dadka iyaga oo jawigii munaasabaddana u rogay buuq iyo sawaxan.

Dhalinyaradan oo koox koox usocotay ayaa adeegsaday wax dadkii Goobta ku sugnaa ka ilmeysiiyay, iyadoo markii danbana ay gacmaha isula tageen Dadkii Xaflada diyaarsaday iyo dhalinyaradii dooneysay iney Joojiso Munaasabada.

Qaar kamid ah dadkii Goobjooga ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in dhallinyaro dooneysay in ay fowdeeyaan xafladda ay soo galeen Hoteelka iyada oo markii uu gacan hadalku billowday ay dadkii bannaanka uga baxeen Hoteelka, waxaana goobta ka dhashay dhaawacyo gaaraya 10 Ruux oo ubadnaa Haween ka baxsanayay rabshada goobta ka socotay.

Dadka oo saarnaa dabaqa Sagaalaad ee Hotelka oo ay Xaflada ka socotay ayaa adeegsaday Jaran Jaro loogu talagalay iney isu gudbaan Laba ruux oo kaliya.

Ciidamada amniga Kenya ayaa markii dnabe soo gaaray Hoteelka Bin Cali ee Magaalada Nairobi, Waxa ayna qaadeen dhaawacyadii goobta loogu tagay.