Shirkii u socday Golaha Amniga Qaranka oo maanta lagu soo gaba-gabeenayo

Waxaa maanta gelinka hore lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo Shirka golaha amniga qaranka oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, wuxuuna shirka socday intii la filaayay in ka badan.


Qorshaha shirka ayaa ahaa markiisii hore in Shirkaan la soo gaba-gabeeyo shalay gelinka dambe ayaa lagu daray saacado dheeraad ah waxaana lagu wadaa in maanta la soo gaba-gabeeyo shirka lagana soo saaro war-murtiyeed lagu cadeeyay wixii lagu heshiiyay.
Dhanka kale Madaxda qaranka iyo kuwa maamul gobaleedyada ayaa wada dadaalo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka ka taagan Dalka, gaar ahaan ammaanka, dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo arimaha Bini-aadinimada.