Thaabit Cabdi Maxamed oo Muqdisho ka dhoofay

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho iyada oo ay sii sagootiyeen xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ah .

Thaabit,waxaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaana uu ku wajahanyahay Magaalada Nairobi.

Thaabid ka hor Duqa Muqdisho waxaa uu ahaa diblomaasi ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka waxaana dhowr jeer cabasho ka muujiyay dhallinyaro Soomaali ah oo qasab looga soo celiyay Mareykanka kuwaas oo ku eedeeyay in uu isaga fasaxay dib u celintooda.

10 bilood ayuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,waxaana xilka laga qaaday 21kii Bishii la soo dhaafay kaddib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxda ugu sarreysa Dalka.