Falanqeyn Maanta: Maxaa looga baahnaa in Farmaajo ganto mudada halka sano ah

Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu halsano buuxin doonaa doonaa 8-da Febraayo, 2018
Waxaan Falanqeyn kooban uga hadli halsano muxuu ku guulaytay madaxweyne Farmaajo

Markii xilka uu qabtey madaxweyne farmaajo wuxuu balanqaadey in uu sax Qodob uu xoog saari doono.

Qodobka 1aad. Lagagaalanka kooxda alshabaab.iyo wadanka oo dhan laga xorayn doono xafiis ka kuran doono wasaarada gaashaandhiga iyo dagmada Afgooye.

Qodobka 2aad. Ladagaalanka musuqmaasuqa Iyo in Qofkii lagu helo maxkamad la keenidoono.

Qodobka 3aad ladagaalanka shaqalaanka dhalin yarada iyo Faqriga iyo Gaajada. Si dhaqso ah loo shaqaalayn doono dhalin yarada.

Markaan dhinaca wanaaga ka bilowno madaxweyne farmaajo wuxuu ku guulays tay
Socdaalkii madaxweynaha uu ku tagay Puntland iyo Galmudug waxa ay aheyd Guul siyaasadeed oo u soo hoyahay madaxweyne Farmaajo intuu xilka hayey maadaama uu ku dhawaaqay dib u heshiin Qaran.

Way adag tahay in muda halsano shaqadii uu qabtey dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo lagu qiimeeyi guula waa weyn in uu gaaray ama Fashil siyaasadeed inay dhaceen.
Sanad waa waqti yar. Marka loo eego dhibaatada soomaaliya taal.

Xukumada uu hogaamiyo Raysal wasaare khayre maxay qabatay?

Madaxwayne Farmaajo wuxuu Raysal wasaare u doortay mudane xasan cali khayre. oo soo dhisay gola ka kooban wasiiro. wasiir dawlo iyo wasiir ku xigeeno ka kooban 68 Xubnood. oo ay adkaatey inay wada shaqeeyaan Raysal wasaare khayre.

Waxa ay qabtaa wasiiro badan saxaafada lagama ogaan karo sidaa oo kale wasiir dawlayaasha iyo wasiir ku xigeenada maba muuqdaan wax qabad koodu. Waxaan lagaran 68 xil wasiir mushahaarada ay qaatan waa lacag aad u badan wax ay qabtaan lama garamayo.

Taliyaashii ciidanka waxay noqdeen wax la casilo iyo wax is casila

wasiirada ugu wanaagsanaa xukumada khayre
oo ku magacaabnaa wasaarado muhiim ah waxay noqdeen wax la casilo iyo wax is casila

Guddoomiyihii gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Taabit Cabdi Maxamed ayaa aaminsan in Is qabadka Raysal wasaare khayre xilka looga qaaday arinka oo ah khilaaf siyaasadeed oo ka dhaxeeyey Raysal wasaare khayre iyo mune Taabir cabdi. Ku salaysan

Xukumada khayre waxaa kaloo mush kilad ku noqotey in uu ku guul darays tay in uu xiriir adag la sameeyo. Maamul gobaleed yada si loo soo celiyo awooda dawlada faderaalka

Waa yimid murankii dawladaha carbeed ee khaliijka waxaa yimid in dawlada maraykanku ay joojiso kaalmadii dhinaca tayaynta ciidanka ee ahay Raashinka iyi shidaalka Rasaasta ee ay siin jirtay ciidamada xooga dalka.

dawlada jarmalka ayaa sheegtey in joojinayso mashruucii Tababarka ciidanka soomaaliya bisha maarso 2018

waxaa dhacay fadeexadii Qalbi – dhagax fadeexadii Bariire fadeexadii. xarigii Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo isku daygii dilkii xildhibaan Cabdi Qaybdiid
Waxaan wali lagu guulaysan in wadanka lacag loo sameeyo

Waxaa kaloo caqabada amniga dilalka iyo Qaraxyada ka dhacaya caadimada moqdisho.

Waxaa dhacay Qarixii weynaa 14kii October 2017 ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Waxaa ku dhintay dad gaaraya 540 Qof iyo 1000 Qof oo ku dhaawacmay.

Qarax masiibada Qaran ahaa ayaa Raysal wasaare khayre balan qaadey in cidii samaysay sharciga la horkeeni doono.Walina arinka baaridii ayaa ku socota. Ayey xukumadu leedahay

Muda halka sano ah waxaa khilaaf iyo fadeexad ah dawlada uu hogaamiye madaxweyne Farmaajo waxa ku xalisay gudi yaan u saarnay. Soobaara.

Haday xukumada uu hogaamiye Raysal wasaare khayre intaas oo fadeexad iyo khilaaf iscasilid la kulantay sow ma oran karno halkas sano wuxuu ahaa mid ku dhamaadey iyadoo wax hawl ah la qaban.

Waxaan doonayaa in aan falanqeyn tayda farta ku fiiqo caqabadaha mudadii sanadka ahayd ka horyimi hogaanka madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu shacabka u sheegay markii uu murshaxa ahaa in loo baahan yahay isbadal dhab ah isaga oo marwalba xooga saarayey guud ahaan arinta amniga dalka, gaar ahaan amniga magaalada Muqdisho.

Musuqmaasuqa wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ragaadiyay Soomaaliya, dawladeeda muda halka sano ee uu madaxweyne farmaajo xilka hayo cid loo xiray ama shaqada looga aryey lama hayo.

Soomaaliya musuq maasuqa waa wadamada aduunka kuwa ku caan baxay dawlado musuq maasuq ah in wax laga qabto waa astaanta wanaaga dawlada Faderaalka.

Amniga iyo in la furo wadooyinka xiran waa mid ka mid ah balanqaadkii madaxweyne Farmaajo

waxaa dhibaato ah in kooxda Al-shabaab ay deegaano badan ka maamulaan Soomaaliya. Mudadii sanadka ahay ee madaxweyne farmaajo xilka hayo dagaalka looga xoreynayo alshabaab dhulka ay haystaan wali lama qaadin

Waxaa caqabad weyn ku ah dawlada madaxweyne farmaajo Heerka shaqo la’aanta ee dadka da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 50 waxay u dhigantaa 80% dadka noocan ah ee dhaqaale haysan waxaa fudud inay danbiyo sameeyaan.

Caqabadaha ugu waa weyn waxaa kaloo ka mida dawladaha doonaya inay Taageeraan dawlada uu hogaamiye madaxweyne Farmaajo
ayaa deeqda ay bixinayaa waxay ku xirayaan danahooda siyaasadeed ee ay kadoonayaa. Dawlada uu hogaamiye madaxweyne Farmaajo

Midowga Yurub – deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya – ayaa ballan-qaaday in uu maal-galiyo $ 1.03 bilyan sanadkan, kaas oo bixin doona taageero dhan $ 4,5 bilyan ilaa 2020.

Hadan lacagtaa ay balan qaadeen waxay ku xireen siyaasad Qarsoon oo aanay xor u ahay inay ogaato dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

deeq-bixiyeyaasha iyo Mashaariicda Horumarku waxay noqdeen wax la balan qaado oo aan la fulin .

shirkii ugu danbeeyey ee bishii May ee sannadkii hore, hoggaamiyayaasha adduunku waxay ballan-qaadeen $ 1.3 bilyan si ay u taageeraan xukuumadda cusub iyo dib-u-habeeynta ammaanka iyo dib-u-habeeynta dhaqaalaha. Wixii la balan qaadey waa la siyasadeeyey.

Waxaana soomaaliya isku taysta Dawlada shisheeye oo is diidan dhamaantoodna ah deeq bixiyaal dawladaha sheegta waxay logooyo ku yihiin horumarka dawlada faderaalka dhismaha kaabayaasha dhaqaale.

Siyaasada maalgalinta iyo maalgashiga lagu sameeyo dhaqaalaha soomaaliya sida khayraadka bada iyo kaluunka ,xoolaha IWM wali ma suuragalin maalgashi keeni kara shaqa abuur waxaa hortaagan amniga oo wali xun.
Musuq maasuqa oo wali la xadidin.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ballan-qaadday $ 27 milyan oo lagu bixinayo dhismaha ciidanka xooga dalka ee hoos yimaada dawlada faderaalka lacagta ayaa lagu aasaasayaa xarun ciidanka lagu tababaro oo laga furayo magaalada baydhaba.

Ciidanka la sameynayo ayaa gaaraya 18,000 oo ciidan ah waxaa wali adag sida dawlada uu hogaamiye Madaxweyne farmaajo ugu badax banaanaato in iyadu la timaado siyaasad ay ku dhisato ciidan keeda. Dawlada hoos yimaada

Markaa waxaan falanqeyn tayda ku soo gaba gabeynayaa aniga iima muuqato in. Hadii bilowgii intaas oo arimood. oo wada caqabada ah. ay ku adag tahay in Dawlada madaxwayne farmaajo hogaamiya Qirato Khaladaadka iyo Caqabadaha horyaala sida looga bixi karo inay sheegaan ama isbadal lagu sameeyo siyaasada. Madaxweyne Farmaajo wax ku hogaamiyo. Markas waa muhiim in waqtiga. Wax laga barto hadaan wax la sixin 3sano ee hartay waa sadex bilood oo muran ah.

Waxaan ilahay uga baryeynaa in shaqada ilaahay u fududeeyo. Madaxda Dawlada Faderaalka haday shaqada ku guulaystaan waa guul dhamaan shacabka iyo madaxduma u riyaaqayaan.

Haday ku Guul daraystaan waxay shacabka iyo madaxda dawlada. Ku tahay lugooya mushkiladeeda wadata iyo 4sano oo la khaaray waa in loo midoobaa sidii loo guulaysan lahaa.