Maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo lagu qabtay deegaano ka mid ah gobalka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee fariisinkoodu yahay Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Howlgal ay ka sameeyeen deegaano ka mid ah Gobolka Galgaduud ay ku soo qabteen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamadaasi ayaa sheegay in ragaan oo gaaraya Ilaa 3 qof ay ka soo qabteen deegaanka Wabxo oo u dhaw degmada Ceel buur ee gobalka Galgaduud, waxaana hada lagu hayaa degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Ciidamada dowladda ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qabtay ay muddo sadax sano ka hor Al-Shabaab ka qabsadeen Degmada Ceel-buur kadibna ay ka mid dhigeen maleeshiyaadkooda, waxaana qabashadooda ay timid kadib markii ay caruurtaasi dalbadeen in la caawiyo.