Axmed Taajir “Waan Iska Casilay Xildhibaanimadii Jubbaland”

Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan “Taajir” oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xildhibaanimo ee maamulkaasi.

Xildhibaan Taajir oo shalay gelinkii dambe laga sii daayay xabsi uu ku xirnaa ayaa sii deyntiisa kadib shir Jaraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga haday arrimo fara badan oo ku aadan xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Waxaana uu sheegay isaga oo u tanaasulayo shacabka in uu go’aansaday in uu isaga tago xilkii Xildhibaanimo ee maamulkaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli dhawaan guddoonka Baarlamaanka Jubbaland uu Xasaanadii kala laabtay Xildhibaankan, islamarkaana dhalisay xiisad illaa iminka ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi.