Kenya oo maxkamadeyneysa Haween loo heysto Al-shababnimo

Dowladda Kenya ayaa maxkamad soo taagtay labo Haween ah oo lala xiriirinayo in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.

Haweenkan ayaa laga qabday Magaalada Wajeer,waxaana lagu helay in ay hayeen Hub iyo Rasaas aysan ruqsad u heysan maamulkeeda.

Haweenkan ayaa shalay Maxkamadda degaanka Milimani la soo taagay,waxaana ay beeniyeen eedaha loo heysto,iyaga oo iska fogeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Xaliimo Sheekh Cabdullahi iyo Nuuriyo Aadan Jimcaale ayaa la tuhunsanyahay in Hubkaas ay u hayeen Odayga qaba oo lagu magacaabo  Ibraahim Geeddi.

Labada Haweenka ah oo ah xaasaska Ibraahim ayaa laga soo xiray degaanka Buulo Cilmi 24kii January waxaan aay xabsiga ku jireen 10 maalmood.

Dacwad oogayaasha ayaa Garsooraha maxkamadda ka codsaday in uu diido dafiraadda haweenka ee falkan ay ku lug leeyihiin la xiriirta hayeeshee Qareenkooda ayaa sheegay in Haweenka aysan shaqo ku lahayn eedaha loo heysto hubkana ay suuragal tahay in Ninka ay u dhaxaan leeyahay.

Haweenkan labada ah ayaa hadda Racfaan lagu siidaayay waxaana Maxkmaadda ay dib uga soo muuqan doonaan Maalinta Isniinta ah ee soo socota.