Dowlada fedraalka iyo Madaxda dowlada Goboleedyada oo dhawaan shir isugu imaanaya Muqdisho. =Ajandayasha Shirkaasi=

Maalmaha soo socda waxaa magaalada Muqdisho ku shiraya Madaxda ugu sareysa Dowlada fedraalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlada Goboleedyada dalka, iyadoo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay ugu qeyb galaan shirkaasi.

Wararku waxay sheegayaan in shirkaas looga hadlayo wixii ka dhaqan galay shirkii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay Dowlada Dhexe iyo Madaxda dowlad goboleedyada, waxaa kaloo shirkaan looga hadli doonaa sidii loo sameyn lahaa ciidamo isku dhaf ah, sugida Amniga, sidii loo wadaagi lahaa Kheyraadka dalka, deeqaha, iyo sidii loo gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro saandka 2020-ka.

Dhanka kale shirkaan ayaa waxaa warbixin looga dhageysnayaa Gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka, gudigaan oo sharixi doono qaab ay u dhici karto doortasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ka oo la filayo inay Dalka ka dhacdo.