Sanbaloolshe oo ka hadlay dhiibistii Qalbi Dhagax

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa si aan toos ahayn uga hadlay tallaabadii lagu wareejiyay C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

Dowladda Somaliya, ayaa daba-yaaqadii bishii August ee sanadkii hore ninkaasi u gacangelisay Dowladda Itoobiya, taasoo ka careysiisay umadda Somaliyeed, dal iyo dibadba.

Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay dhiibistii Qalbi Dhagax, ayaa ka war wareegay cidda rasmiga ahi ee ninkaasi u dhiibtay Dowladda Itoobiya, balse uu go’aankaasi ahaa mid dowladeed, haddii Golaha Wasiirada Somaliya ay war ka soo saareen.

Dhiibista Qalbi Dhagax ayuu sheegay iney eheyd go’aan loogu daneynayay amniga Qaranka, go’aamada amaanka Qarankana ay gaaristeeda iska cadahay Cida iskaleh Masuuliyadeeda.

Sanbaloolshe oo Wareysi dheer Siiyay VOA-ada ayuu ku sheegay ineysan jiri karin inuu isaga qaato go’aan gaar ah oo ka madax banaan kan Guud ee Dowladda Somaliya.