Al-Shabaab oo la wareegay Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay goordhaw la wareegeen Gacanta ku heynta Degmadaasi.

Kahor galinta Magaalada Al-Shabaab, waxay wararku sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay weerar ku yihiin Degmadaasi.

Ciidamada ayaa isaga baxay Magaalada, waxayna ka Gudbeen Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan sida dadka deegaanka ay Mustaqbal u sheegeen.

Xarakada Al-Shabaab ayey u suurta gashay in ay la wareegaan Ceel Waaq, iyagoo aanan la kulmin wax iska caabin ah, Ciidamada Dowladda ayaa lasoo sheegayaa in ay isku uruursanayaan Gudaha Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo oo aynu la xiriirnay ayaa inoo suurta Gelin in aynu Helno, dhanka Al-Shabaab wali kama hadlin Ciidamadooda la wareegay Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo.