Tirada dadka raba dhimashada fudud oo ku soo badanaya Norway

Ururka Dignitas oo laga leeyahay Switserland ayey xubno ka noqdeen 8432 qofood oo raba in loo sahlo in ay isdilaan ama ismiidaamiyaan, iyadoo dhammaadkii sannadkii lasoo dhaafay ee 2017 ay iska diiwaangeliyeen 37 qofood oo Norweejiyaan ah, si dhimashada loogu fududeeyo, sida ku cad liis uu Nettavisen indhihiisa ku arkay.

Cadadka Norwejiga isku diiwaangeliyey in dhimashada loo fududeeyo waxaa ka muuqata koror ah boqolkiiba 42 marka dib loo raaco sannadkii 2016 dhamaadkiisii oo tirada dadka codsigaan gudubsaday ay ahaayeen 26 qofood.

In xubin laga noqdo ururka Dignitas waxay xambaarsan tahay in dadka qaba cudurada aan laga bogsoon ay u safri karaan Switserland si looga caawiyo inay ku dhaqaaqaan ismiidaamin ay ku go’aansanayaan inay soo afjaraan noloshooda.

– Arrintani waxay ka turjumaysaa in dhabtii ay jiraan dad badan oo dhibtoonaya, una baahan in lagu caawiyo hab dhimasho oo haboon sidaas waxaa yiri Ole Peder Kjeldstadli oo madax ka ah urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dhimashada haboon una waramayey Nettavisen.

– Kuwani waa dad qaba xannuuno aan dawo lahayn, waana dad raba in ay soo afjaraan noloshooda. Waa inaad qabtaa xannuun aan laga bogsoonayn si laguu caawiyo. Ma ahan oo keliya inaad u timaado Dignitas oo aad dhahdo waxaan rabaa inaan dhinto ayuu hoosta ka xariiqay Kjeldstadli.

Waxaa diyaariyey: Thomas Paust