Ciidamada Dowladda ee Isgoyska Sanca oo laga cabanayo iyo tacadiyo ay halkaa ka gaystaan.

Waxaa maalin walba wadada Isgoyska Sanca ka dhaca Tacadiyo loo gaysto dadka Deegaankaasi, waa caadi in maalin walba aad aragto Askarta Dowladda ee Isgoyskaasi ku sugan oo Xabado ku ridaya Gawaarida iyo dadka intaba.

Askarta ayaa mararka qaar waxay qoryahooda ku liif garaacaan dadka adeegsada wadadaasi, mana jirto cid wax ka qabata tacadiga wadadaasi ay gaystaan ciidamadu, waxayna mararka qaar wadada u diidaan inay gudbaan gaadiidka adeegsada wadadaasi.

Waa iska caadi inaad aragto in mararka qaar wadada oo xiran oo gaadiidka loo diidayo, inay u ogolaadaan gaadiidka qaarkood iyo cidii ay iyagu markaasi is aqoonis ka dhaxeyso ama ay gaadiidka qaar ka qaataan lacago ay ku gudbiyaan wadadaasi.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Sanca ayaa aad ugu cabanaaya in Askartu mararka qaar u diidaan iyagoo wada Bukaano loo wado Cusbitaalo inay gudbaan wadadaasi, ciidamadaasi ayaa waxay qaarkood yihiin kuwo Dareyskooda aan u dhamayn iyo kuwo aan dhar ciidanba wadan.

Sidoo kale Ciidamadaasi ayaa mararka qaar argagax geliyo dadka Deegaankaasi, iyagoo la soo booda qoyahooda, islamarkaana cabsi geliya dadka wadadaasi ku leh Mehradaha kala duwan, waxayna dadku is weydiinayaan cida ay ciidamadu ka amar qaataan ciidamadaasi oo waxay doonaan sameeya, waana u caadi in Ciidankaasi mararka qaar rasaas ku rida shacabka, islamarkaana qorigooda ku jir dilaya Shacabka.

Dhanka kale Dadka Deegaanka Sanca ayaa ugu baaqaya Dowladda Federaalka Soomaaliya in ciidamadaasi la baro Dishibiliinka, islamrkaana aysan dadka qorigooda ku cabsi gelin Shacabka oo ay la hadlaan oo kaliya.