Ciidamada nabad sugida Soomaaliya waxay la mid yihiin kuwa caalamka ee aan arrimahooda geli karin Dowlad iyo shacaba!

Dalkastaa waxa uu leeyahay ciidan nabad sugid qaran.Ciidankaa nabad sugida ee dawlad walbaa leedahay, waxay leeyihiin qaybo kala duwan oo shaqo.

Waxay u xil saaran yihiin in ay amaanka dalka iyo qaranimada illaaliyaan. Hadaba dalkeena soomaaliya mudo dheer ma haysan ciidan kii nabad sugida qaranka in dib boorka looga jafo oo loo yagleelo, bacdamaa uu kamid noqday hay aadkii dawliga ahaa ee baaba bay 1991 dii. Maanta waxaa la dhisay ciidan tayo fiican leh oo haya shaqada amaan ee dalkeena soomaaliya.

Ciidanka nabad sugidu waxay ka jawaabayaan khatar kasta oo dalkeena uuga iman karta dalka gudihiisa iyo dibadiisa inta aan hay adkale oo dawli ahi ogaan iyagaa leh shaqadaa waana waajib saaran. Nabad sugidu waxay ilaaliyaan dawlada oo ka ilaaliyaan in qilaab iyo daban daabyo uuga timaada, madaxda qaranka dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxay masuul ka yihiin illaalinta madaxwaynaha iyo madaxda qaranka guud ahaan.cidkastoo magacdaw ladeed wadata ama ha ahaado wasiir iyo cid kastoo xil haysee haday ku kacaan fal wax u dhimaya jiritaanka dawlada iyo amaanka dalka way qabanayaan iyagaana la socda dhaqdhaqaaqyada noocaan ah.

Nabad sugidu maha booliiska oo kale siduu u xaliyo amaanka dalka oo isna saaran. Maha mid shacabku dalwalbaa isku taago arimaha nabad sugida waana khatar wayn cidii nabad sugid u noqota macmiil. iska daa wax kale ee cidii nabad sugidu u yeerato shacabku waa ka aamin baxaa oo ka cararaa maxaa yeelay inuu u shaqaynayo ayaa laga yaabaa. badaha nabad sugid waa mid aan qof caqli lihi u dhawaan mana fiicna in uu raad xagooda ah kusoo galo sideedaba.

Ciidanka nabad sugidu aduuka oo dhan waad wada aragtaan,in ama ha ahaato maalin ama habeen ama guri ama hoteel cidii layn soo galo waa kala baxaan oo ka xaystaan cid kadaba hadli kartaana majirto xataa madaxwayne.waa la ogyahay ciidan oo dhami madaxway naha qarankay hoos yimaadaan,saas oo ay tahay iyaguu uga danbaynayaa arimaha amaanka. Soomaaliya nabad sugidu wixii ka horeeyay Madaxwayne Farmaajo waxay iska ahaayeen kuwo ku salaysan xaalada dalkeenu ku sugnaa oo ahayd beelo ciidan lagu sheegay uun, laakiin hada boodhkaa laga jafay waxaana jira ciidan rasmi ah oo nabad sugid soomaaliyeed ah.

Nabad sugidu xaq bay u leeyihiin in ay dilaan cidkastoo dalkeena khatarku ah,arinkaana cid ka hadli kartaa majirto.waxaana siiyay sharciga dhanka amaanka dalka ah.waana wax dunidu inala qabto laakiin XAARAAN QUUTAYAAL IYO DAWLAD DIID marabaan nabadsugid shaqaysa!! maxaayeelay iyagu waxay ku jiraan dagaal ah in soomaaliya aysan helin dawlad shaqaysa, markaa waa DAWLAD DIID.

Waxaan hada wada ognahay in nabad sugidu danbiilaha beegsanayso kuna raad joogto, waana waajib shacabka soomaaliyeed si wayn bay usoo dhaweeyeen uuguna faraxeen guulaha ay gaareen ciidanka geesiyaasha ah ee nabad sugida soomaaliyeed. waxaan arkaynaa in dabiile layahay meel uu ku dhuunto oo nabad sugidu ku raad joogto. Dad ayay latahay in nabad sugida soomaaliyeed raali ku noqonayso in dawlado shisheeye dad u shaqeeyaa dalkeena amaankiisa khalkhal galiyaan kadibna reero dabada la galaan oo ku gabadaan taasina waa soo dhamaatay. daba dhilif iyo dawlad diid iyo xaaran quutayaal iyo nabad sugida soomaaliyeed isma arki karaan sharcibaana kayaal.

Wadamada aduunyada waxa kala hufa ee nadiifiya ee danbiilaha sugaa waa nabad sugida,hadaba waa u mahad celinaynaa kuna faanaynaa si wayn nabad sugideena soomaaliyeed oo sugaya amaanka dalka.Ciidanka nabad sugidu waa in ay si joota ah waraysi uga qaadaan xubnaha baarlamaanka ee ku jira kicin beeleed iyo u adeegid dawlado shisheeye.sidee xildhibaan uugu bareeraa in uu idaacadaha ka aflagaadeeyo ciidanka sharafta leh ee aan badooda lagali karin ee nabad sugida?  suaashaa waxay tahay sharcigee u baneeyay, yuuse u adeegayaa ileen waxa hadlayaa isaga maha sidaa dheh ragbaa yiri meel u fadhiyee?  xildhibaano waxaad arkaysaa idaacadaha ka hadlaya iyo saxaafada isagoo aan xataa baarlamaan wakiilan oo ka hadlaya arimo xukuumada!! war goormuu xaq u yeeshay faragalinta siyaasadeed?

Dawladnimooy xaalqaado? Golihii wasiirada iyo arimihii dibada ee siyaasada dalka waxaa dhex boodaya golihii shacabka!! hadaba golaha shacabka oo dhan maha waa shaqsiyaad gaara oo DAWLAD DIID AH sharcigiina baal maraya ileen hadafkoodaa ah shisheeye u shaqayn iyo duminta dawlad soomaaliyeed oo kaliya. Cida xaqa u leh in ay layeelato waraysi joogta ah waa nabad sugida,hade nin danbi faraha kula jira oo nabad sugidi haysatana xaq umalaha xubinimo ilaa la cadeeyo in aanu lahayn danbigaa loo haysto. nabad sugidu iyadaa ugudbin madaxda baarlamaanka cidii lagu haysto arimo siyaasadeed oo amaanka qaranka halis ku ah. baarlamaanku dan kama laha danbiile umana doodaan shaqadoodana maha.

shuuruuda lagu galaaba ahayd baarlamaanka in xubintu aysan danbi lahayn.macnuhu waxaa weeye haduu danbiile yahay masoo gali karo baarlamaan. hadana cidii danbi lagu helaa ma ahaan karto baarlamaan,meshu maha xero geel iyo jaantaa rogan dawlad baa jirta iyo sharci.

waxaad arkaysaa sida laynoo fawdeeynayo oo cadawgu inoogu dhex jiro dawlad diidka ahi,mid xubin baar lamaan ah oo shaqadiisii intuu kasoo tagay kumilan oo ku dhagan Raysalwasaarihii dalka ama Madaxwaynihii ama wasiir ama ciidamadii amaanka oo ay shaqadoodii ka wadi layihiin!!

Isagu marwaa xubin baarlamaan,marna shaqo wasiir ayuu ku dhex jiraa,mar shaqo madaxwayne ayuu ku dhex jiraa,wuu garanayaa laakiin waa nin u shaqeeynaaya shisheeye oo ah dawladiid. shaqadan waxaa iska leh nabad sugida qaranka soomaaliyeed inay gacan ku dhigto cadawgaas.

Wargoormaa baarlamaankeenii noqday buste lagu dado danbiilaha!? baarlamaankeenii ma waxa uu noqday dhufays lagu dhuunto oo dalka laga dumiyo? waxaa layiri “HAL BABEEY AYAA QURMIYO BABEEYO UU KULA JIRO HAL DANBIIL” marka hal danbiile maha in sumcad dilo baarlamaanka sharafta leh ee ay soo dooratay umada soomaaliyeed kuna aamin tay masiirka dalka.

Nabad sugida Soomaaliyeed waxaan leenahay guulaysta cadawgiinu ha jabo, dalkana inoo badbaadiya amaankana gacan bir ah ku qabta soona ceshate haybadiinii ee waa inaad xajisataan oo u taagnaataan heer qaran.waa in laydinka baqaa oo la arkaa xabadiina iyo xarigiina aan dabaca lahayn, god walba ugu gala danbiilaha kuna toogta. qabsada shaqadiina dalka idinkaa leh ilaashada.qabiil matihiin gobol matihiin waxaa tihiin xaniinyihii Soomaali ku dhaaranaysay oo dalka cadawga ka nadiifinayay gudaha iyo dibadaba ka noo dhuumanaya kan shisheeye u shaqaynaya iyo kan dawlad diidka ah idinkaa og, umadii Soomaaliyeed hadaanahay waxaan cod dheer idinku leenahay waa mahad santihiin.

Waxaa Qoray: Liiban Ali

Email:- qaalid3@hotmail.com