Xildhibaanno loo xiray kaarar been abuur ah oo ay lacag uga qaateen barakacayaal

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa lagu xiray saddex Xildhibaan oo ka mid ah Golaha degaanka Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay kaarar been abuur ah u sameeyeen barakacayaasha iyada oo lacag kaga qaatay.

Saddexda Xildhibaan ayaa qoyskiiba ka qaadayay $5 Doollar,kaddibna aan dib ugu soo laabaneyn, iyada oo maamulka Gobolka Mudug ee Puntland uu arrintaas ka war helay.
3 Xildhibaan oo kala ah Aways Axmed Salaad,C/waaxid Axmed Maxamed iyo Madar Cali Faarax ayaa kamid ahaa dadkii tagay xarumaha barkacayaasha ee magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yaasin Axmed Tumey,ayaa sheegay in Xildhibaannada xir xiran ay ku wareejinayaan Maxkamadaha lacagaha barakacayaasha laga qaadayna ay u celinayaan qoysaska danyarta ah.

Tumey waxaa uu sheegay in lacagta laga qaaday Barakacayaasha ay gaareyso $5,000 oo doollar, islamarkaana ay xildhibaanna