Xildhibaan Axmed Taajir oo Kismaayo lagu xiray, iyo Iska hor imaad Kismaayo ka dhacay

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad sugidda Jubbaland ay Xireen Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Axmed Taajir) oo shalay Xasaanadda ay ka qaadeen Xildhibaanada Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa maanta ka hadlay Go’aankii Xasaanadda looga qaaday waxa uu sheegay in wadadii loo maray aanan waafaqsaneen Dastuurka Maamulka.

Waxa uu ka jawaabay waxyaabaha loo Cuksaday ee ahaa qal-qal gelinta Amniga Jubbaland iyo ku howlanaanta Warar Meel ka dhac ku ah Maamulka uu Xildhibaanka ka yahay ee Jubbaland.

Ciidamada ayaa kolkii ay soo qabanayeen Xildhibaanka waxay wararku intaa raacinayaan in ay kala eryeen dad isku dayey in ay kahor istaageen, iyadoona ay u suurto gashay in ay Xildhibaanka Soo kaxeestaan.

Goob joogayaal codsaday in Codkooda iyo Magacooda aan adeegsano ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda ay isku Gedaameen Hoyga Xildhibaan Axmed Taajir, taasine waxay timid kamid markii ay ka war heleen in ay is uruursanayaan Maleeshiyaad ku heeb ah Mudanaha.

Xaafadda Isku filan ayeey wararku Sheegayaan in laga soo qabtay Xildhibaan Axmed Taajir, Wararka qaar ayaa sheegaya in la geeyey Xarunta Nabad Sugidda Jubbaland ee loo yaqaan FIAT.

Ciidamada ayaa sameeyey Howlgalo guri-guri lagu baarayo, lama sheegin waxyaaaha ay kusoo qab-qabteen Howlgalkaasi.

Dhanka kale Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa in ay ku dagaalameen Halka loo yaqaan Madhamaato, gaar ahaan Xaruntii Ciidamada Lidka Diyaaradaha ee Himileey.

Wararka ayaa tilmaamay in 7-katirsan Ciidamadii dagaalamay in ay ku dhaawacmeen, lamana sheegin Khasaare dhimasho oo ka dhashay iska hor imaadka.

Iska hor imaadka Ciidamada ayaa salka ku hayey Kadib markii ay ku murmeen Dhul ku yaalla Xeradii Ciidamada Lidka Diyaaradaha ee Himileey, waxayna Xeradaasi muddooyinkii dambe aheyd Dhul beereed, inkastoo laga barakiciyey Dadkii degenaa.

Xiriiro kala duwan oo aynu la sameynay Maamulka Jubbaland nooma suurta gelin in aynu helno si aynu wax ugu weydiino iska hor imaadka iyo Xildhibaanka La xiray.