Gudiga ka hortaga masiibooyinka Somaliland oo ka dayriyay in Abaaro badan ka jiraan Deegaanada Somaliland.

Faysal Cali Sheekh Guddoomiyaha Gudiga ka hortaga masiibooyinka Somaliland ayaa sheegay in hal milyan iyo todoba boqol oo qof ay ku dhufatay abaar baahsan oo ka jirta deegaanada Somaliland kuwaasi oo u baahan in lala gaaro gargaar deg deg ah.

Dadka ay abaartu saameysay ayaa lagu sheegay in 47% shacabka ku nool deegaanada Somaliland gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah, wuxuuna Gudoomiyaha uu sheegay in hay`adaha aysan waxba ka qaban dhibaaatda taaagan ee xooluhu ay la dhimanayaan.

Qoysas aad u fara badan ayaa bilihii u dambeeyay ku soo barakacayay magaalooyinka iyo tuulooyinka Somaliland si ay u helaan gargaar ay ku sii noolaadaan dadkaasi,iyadoo dadkaasi ay abaaraha ku waayeen xoolihii ay dhaqan jireen.

Toddobaadkii hore ayaa waxaa lagaga dhawaaqay xaalad deg deg ah degmada Lughaye ee Gobolka Awdal, deegaanada xeebaha Waqooyi ee Somaliland, iyadoo ay ku soo barakaceen dad gaaraya ilaa 3000 oo qoys, dadka barakacaya ma helayaan gargaar waxayna dalbanayaan cuno iyo biyo si ay u sii noolaadaan.

Dhanka kale Hay`ada ka hortaga masiibooyinka iyo kaydinta cunnada ee Somaliland ayaa waxay cabsi ka qabtaa in xaalad degdeg ah oo abaareed ay galaan deegaanada abaaruhu ka jiraan bisha labaad ee sanadkan, sida ay ku soo wargalinayaan hay`adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Binni’aadminimada .