FAAHFAAHIN: Qarax qasaare geystay oo ka dhacay gobolka Bari

Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland qarax lagula eegtay Duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamadan oo ku socdaalayay Waddada dheer ee xiriirisa Buuraha Galgala iyo Boosaaso ayaa la sheegay in qarax Miino lagula eegtay Waddadaasi.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada maamulka Puntland ka soo gaaray qaraxaasi.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxan ayaa waxa ay baraha Internet-ka ku baahiyeen in halkaasi ay ku gubeen Gaari nuuca dagaalka ah.

Sidoo kalena ay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Ciidamada Puntland, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada maamulkaasi oo ku aadan qaraxaasi.

Balse Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada Ciidamada Puntland, xilliyada ay isaga kala gooshayaan deegaamada maamulkaasi.