Dowladda Kenya oo xirtay Qaar ka mid ah TV-yada Dalkaasi

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Hawada laga saaray qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi ee gaarka loo leeyahay, gaar ahaan kuwa TV-yada, iydoo dowladu ku eedeynayso inay toos u baahiyeen munaasabada dhaarinta hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Kolonso Musyoka oo ka dhaceysa fagaaraha beerta xuriyada ee Uhuru Park.

Dadwayne aad u fara badan ayaa tagay halka ay dhaarintu ka dhacday ee Uhuru Park, halkaas oo la filayo in lagu dhaariyay Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Kolonso Musyoka.

Warbaahinta dalkaasi, iyadoo Dowladda Kenya horay isugu yeertay maadaxda warbaahunta madaxa banaan ee dalkaasi kuwaas oo ay u sheegtay inaysan baahin Karin dhaarinta hogaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa.

TV-yadda Citizen, NTV iyo qaar kale ayaa diiday sida wararka qaar ay tilmaamayaan inay u hogaasamaan amarka dowlada, waxayna ku doodeen inay muhiim tahay inay baahiyaan,waxay u baahan yihiin bulshada dalkaasi,isla markaana ay dhax dhaxaad ka yihiin siyaasada dalka.

Dowlada Kenya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay ku carqaladeyso habsami u socodka dhaarta hogaamiyaha mucaaradka ah Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa.

Githu Muigai Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya oo ka hadlay qorshaha ay damacsan yihiin mucaaradka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay qiyaano Qaran, ayna horseedi karto dil toogasho, Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ee Kenya ayaa sheegay in dowladda ku guul dareysatay inay wax wadahadal ah la furto mucaaradka.

Dhanka kale Booliska Kenya ayaa mamnuucay xafladda dhaarinta Raila Odinga, iyagoo isku gedaamay fagaaraha beerta xuriyada ee Uhuru Park oo ay ka dhaceyso dhaarinta hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kenya.