Ciidamo Kenyaan ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Gaarisa

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Labo askari ay uga dhinteen 3 kalena ay uga dhaawacmeen kaddib markii gaari ay wateen Ciidanka amaanka Kenya uu dul maray Miino waddada la geliyay Gobolka Gaarisa.

Isu duwaha amniga Waqooyi Bari Kenya Maxamuud Saalax ayaa sheegay in Labo Askari ay dhinteen saddex kalena dhaawacyihiin,isaga oo xusay in Ciidanka ay ku jireen howl maalmeedkooda caadiga ah.

Maxamuud,waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Kenya ee jawaabta ka bixiyay weerarkaas ay howlgal ka fuliyeen degaankaas hayeeshee aysan jirin ilaa hadda cid ay u qabteen weerarka.

Sarkaal kale oo dhinaca amaanka una hadlay Kenya ayaa isna sheegay in Ciidamada gaarka ah ee Kenya la geeyay degaankaas isaga oo xusay in ay ku daba jiraan raggii weerarkaas ka dambeeyay oo uu xusay in ay rajo wanaagsan ka qabaan soo qabashadooda.

Ciidanka Kenya ee ku jira AMISOM ayaa billaabay in ay ka baxaan Soomaaliya,iyada oo ay qeyb ka tahay qorshaha bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya.