Xildhibaanoow Dollar qaado!!.

Xildhibaan xxxxx, adeerkii oo beesha nabadoon u ahaa ayaa u fududeeyay in uu u afduubo beesha, kursi qoota qootana waa soo helay.

Labaddii mooshin ee u horeeysay iyo codeeyntii madaxda ayuu lacag badan ka helay. Faraxad, hamigiisii ugu dambeeyay waa gaaray.

Safarkii ugu horeeyay ayuu dibadda ugu dhoofay, asaga iyo wafdigii uu la socday waxaa la dajiyay Helton Hotel, dhibaatadii ugu horeeysay ee uu la kulmay waxa ay aheed sidii uu u raaci lahaa wiishka (liftiga) uuna garaacay si uu u furo. Wiishkii ayuu ku carooday waana aflagaadeeyay.

Ajandaha shirka berrito oo looga hadlayo xiriirka baarlamaanada duunka. Xildhibaanku ajandaha u diyaarsan ee uu rabo in uu berri shirka hor dhigo muxuu yahay?.

Qofka na matalayo naga hubiya, ama ………

Ha ku qoslin ninku waa xildhibaan qaran aniga iyo adiga ayuu na matalaa.

Qore: Yahya Amir.