Xildhibaanada Jubbaland oo gudbiyay mooshin ka dhan ah Golaha Wasiirada

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa mooshin kalsooni kala laabasho ah ka gudbiyay Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland, kaddib markii ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya labaatameeyo ay gudbiyeen mooshinka kalsooni kala laabashada Golaha Wasiirada.

Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa aqbalay mooshinkan oo durba xiisad ka dhex dhaliyay Maamulka Jubbaland.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu Baarlamaanka Jubbaland ka doodo mooshinka loo soo gudbiyay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa sheegaya inay jiraan hanjabaado ay kala kulmayaan Madaxtooyada Jubbaland.

Kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa ka socda magaalada Kismaayo, iyadoo Maamulka Axmed Madoobe uu la kulmayo cadaadis.