Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shirka AU ee Addis Abba

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo  iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirka Midowga Afrika ee ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa lagu waddaa Wafdiga Madaxweynaha saacaddaha soo socda in ay ka ambabaxaan Magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu socon doono muddo labo maalmood ayaa looga hadlaya xoojinta nabadageliyada,ladagaalanka Musuqa iyo Arggagixisada ee Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi waxaa la filayaa in kulamo uu la yeesho madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika ka socda.

Shirkaasi ayaa lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin iyo Israel,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go’aankii madaxweyne Trump ee Qudus.