Danjire Michael Keating “Waxaan aaminsanahay in awoodii Al-Shabaab ay hoos u dhacday sanadkii la soo dhaafay..”

Michael Keating Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa wargayska wargayska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa u sheegay in sanadkii dhamaaday ee 2017-dii uu ahaa sanad bur bur badan uu soo gaaray Maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana ay wiiqantay awoodii ay ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Wakiilka QM ee Soomaaliya wuxuu sheegay in sanadkii dhamaaday ee 2017-dii ay hoos u dhacday dhaqaalihii Shabaabku ka heli jireen lacag canshuur ahaan uga qaadi jireen dadka ku nool meelaha ay ka taliyaan, isagoo taas sabab uga dhigay in abaartii dalka ka dhacday ay keentay in dad badan ay ka qaxaan dhulka uu xukunka Shabaab ka jiro taasna ay keentay inay hoos u dhacdo lacagta ay helayeen.

Michael Keating wuxuu ka hadlay duqeymaha ka dhaca gudaha Soomaaliya ee diyaaradaha Maraykanku geystaan, isagoo sheegay inay gacan ka geysataan inay yaraadaan dagaalada Shabaabka ay qaadi jireen, wuxuuna sheegay in qiyaastii 200 oo dagaalyahan Al-Shabaab ah lagu dilay weeraradaasi dhanka cirka ah ee Maraykanku sanadkii hore Soomaaliya ka fuliyay.

Danjiraha ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in taageeradda siyaasadeed ee ay Al-Shabab heli jireen inay yaraatay wixii ka dambeeyay weerarkii dadka badan lagu laayay ee bishii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Danjire Michael Keating wuxuu ku baaqay In la qaado tilaabo kasta oo Al-Shabab looga adkaan karo ayuu ku baaqay in la qaado loogana dambeeyo dawlada uu Madaxweynaha ka yahay Max’ed C/llaahi Farmaajo go’aanka ay ka qaadato.