Ciidamada Puntland oo Hub iyo Qaraxyo ku soo qabtay howlgal laga sameeyay Magaalada Boosaaso

Wararka laga helaayo Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa maanta soo bandhigay Hub kala duwan ay ku soo qabteen Howlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso, iyadoo Hubkaasi ay ka mid yihiin Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo Xabadaha Mootar 60 .

Axmed Jaraale Taliye ku xigeenka qeybta Booliska Gobolka Bari oo saxaafadda qeybteed Boosaaso kula hadlay ayaa sheegay in howlgalada ay sameeyeen ciidamadu sidoo kale ku soo qabteen dad badan , isagoo sheegay in dadka la qabtay la kala saarayo markii uu baaritaankoodu dhamaado.

Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalada ay sameenayaan ciidamadu sii soconayaan, isagoosheegay in ujeedku yahay adkaynta ammaanka Magaalada Boosaaso.