Ciidamada Dowladda oo sii daayay Siyaasiyiin ka tirsan Xibiga Wadajir oo goor hore oo maanta la xiray

Waxaa daqiiqado ka hor la sii daayay Siyaasiyiinta kala ah Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle oo labadaba ka wada tirsan Xisbiga Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabadsugida ayaa siyaasiyiintaan ka soo xiray isla maanta gelinkii hore iyagoo ku sugan Hotelka Maka Al-Mukarama, iyadoo ciidamada ammaanka ay galeen gudaha Hoteelkaasi oo ay kala baxeen labadaan Siyaasi.

Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa isagu xaqiijiyay in ciidamada NISA ay sii daayeen labadan Siyaasi ee kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale Iyo Xoghayaha Xibsigaasi.

Dhanka kale ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xariga siyaasiyiintaan iyo weliba ujeedka ciidamadu ay u xireen Siyaasiyiintaan Xisbiga Wadajir ka tirsanaa, iyadoo sidoo kale siyaasiyiintaasi kala ah Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle, ayaanan weli u faah faahin Saxaafadda sababtii xarigooda ka dambaysay.