Beesha Harawo oo kalsoonidii kala noqotay Xildhibaan Dhaayow

Kulan ballaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen aqoonyahanada, waxgaradka, dhalanyarada iyo haweenka Beesha Harawo oo ka mid Beelaha Soomaaliyeed ayey si weyn ugu soo horjeesteen Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka, kana soo jeeda Beeshaasi.

Dhammaan Qeybaha kala duwan ee Beesha Harawo ee ka soo qeyb galay kulankaasi ayaa waxaa ay sheegeen in uusan Beeshooda matalin Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow

Ibraahim Isaaq Xasan oo ka mid ah waxgaradka Beesha Harawo, kana tirsanaa Ergadii soo dooratay Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow ayaa ku eedeeyay in uusan waxba u qaban Beesha Harawo.

Sidoo kale Yacquub Sheekh Ibraahim oo ah Nabadoonka guud ee Beesha Harawo oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Kalsoonidii ay kala laabteen Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow, kadib markii ay ka waayeen xuquuqda Beesha.

Ugu dambeyn Maryan Yacquub Ibraahim oo qeyb ka ahayd Ergadii soo dooratay Xildhibaanka ayaa xustay in aysan u dulqaadan doonin dhibaatada uu ku hayo Aadan Ibraahim Dhaayow Beesha Harawo, iyadoo xustay in aysan jirin Cid uu wax u qabtay illaa iyo markii la doortay.