Shaqaale ajinabi ah kana tirsanaa hay’adda UNICEF oo lagu dilay Muqdisho

Mid kamid ah shaqaalaha u shaqeeya hay’addda UNICEF; ayaa lagu dilay magaalada Muqdsho, shaqaalahan la dilay oo ahaa shiheeye ayaa warku waxa uu sheegayaa in uu u dhashay Uganda, iyada oo xog kale sheegeyso in uu u dhashay dalka Kenya, waxa uu dilku ka dhacay  xarunta UNICEF ee Muqdisho, iyada oo ciidanka ammaanku ay gaareen halka uu dlku ka dhacay.

Shaqada uu hayey ayaa la sheegay in uu ahaa Cunti kariye, waxaana war sheegaya in uu ka tirsanaa hay’adda SKA; balse uu cuntada u karinayey UNICEF.

Ciidanka Nabadgelyada oo gaaray goobta uu dilkuu ka dhacay ayaa sheegay in dilka uu geystay mid kamid ah illaalada UNICEF; oo xarunta ka howlgeliyey,  waxa ay ciidanka Booliisku sheegeen in ay hayaan shaqaalihii xarunta jogay, islamarkaana ay ku dabajiraan qofka dilka geystay oo ay sheegeen in uu baxsaday

Sababta dilka iyo habka uu u dhacay ayay ciidanka ammaanku sheegeen in ay  baarayaan.