K/AFRIKA : Dukaamo ay Soomaali leedahay oo la xiray

CAPE TOWN, (SA) Ku dhawaad Toban Dukaan oo ay Ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen, ayaa irdaha loo laabay maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasi oo ku kala yaallay Xaafadaha Hanover Park iyo Manenberg ee Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Hawlgalkan lagu xirayo Meherada Soomaalida, ayaa waxa uu daba socdaa Amar kasoo baxay Dowladda hoose ee Gobalkan Western Cape kaasi oo lagu amray Ciidamada Lawenforcment iyo Metro-Police inay ku xiraan Dukaamada (Tuck Shops) ku yaalla Guryaha Dowladda ee Dabaqyada ah ee MANDELA HOUSE-ka loo yaqaano, waxaana ilaa iyo hadda albaabada la isugu dhuftay 7-Dukaan oo Ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen, sida uu ii xaqiijiyey Hilaal Xirsi Jaamacl oo ka mid ah Ganacsatada ugu caansan Xaafadda Hanover Park ee arrintan ka socoto.

“Hawlgalkaan deg deg ayuu ku socdaa ilaa bilowgii Bishaan Janaayo 2018, waxaana markii aan tagnay Xafiisyada City Council-ka si cad naloogu sheegay in Dowladdu amartay in Guri qof wadani ah la siiyey uusan qof kale ka kireyn karin, sidaas darteedna loo xirayo dhammaan Dukaamada Guryaha Dowladda ku yaalla, balse waxaan wadnaa dadaallo aan kula hadlayno Dadka deegaanka, Consular-ka xaafadda iyo imaamyada Masaajidyada, waxaana dadka deegaanka ka saxiixanay waraaqo ay ku dalbanayaan inaan nala rarin” ayuu yiri Hilaal.

Tallaabadan, ayaa waxaa wallaac aad u weyn ka muujiyey guud ahaan Soomaalida ku nool Magaalada Cape Town, waxaana ay ka dalbadeen Hay’adaha Xuquuqda Aadahana iyo Madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan sidii hawlgalkan loo baajin lahaa ilaa amar dambe, islamarkaana waxa ay ugu baaqeen Soomaalida ku ganacsata Xaafadahaasi inay isku tashtaan oo ay Dukaamadooda u raraan Guryaha Private-ka ah ee sida gaarka ah loo leeyahay.

K/Afrika, oo ay ku taallo Safaarad Soomaaliyeed, ayaa waxaa ilaa iyo iminka dadku is waydiinayaan waxa ay uga aamusan tahay tacadiyadan xargaha goostay ee had iyo jeer lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqo iyo Nolol tagay Dalkani South Africa.