Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir oo warqad ka dhan ah safarkiisa laga dhigay Garoonka Aadan Cadde.

Waxaa Warqad ku aadan in uusan dalka ka dhoofi Karin Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga dhigay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah ku xigeenadiisii iyo weliba xubno la soo shaqeeyay.

Lama Oga U jeedka warqadaasi ka dambeysa hase ahaatee waxaa jiray hadal heyn ku aadan Kulan ay wada qaadan rabaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin arrimaha Warqadaasi ka dhanka ah ee laga dhigay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ka hor  xil ka qaadista Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed ayaa War qoraal ah uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku sheegay in dowladdiisa aysan aqbali doonin Iibinta ama Hibeynta Dhulka Danta Guud.