Doodii ugu adkeyd ee Siyaasadda 26 Janaayo !!!.

Berrito waa 26.January 2018, dad badan ayaa caawa magaalada xaflado ku sameeynayo.qaar kalena way la qalafsan taay. Doodoodii.!!!!!?????!!!.

Cali: waa maxaay Feestadani?

Axmed: waa xuskii 26 Janaayo 1991 ,maalintii dalku uu ka xuroobay ,xukunkii kaligii taliska ahaa ee 21sanno dadka caburinayay.waa in baarlamanku ku qoraa dastuurka feestadaa qaran.

Yusuf: yaahoooo, maxaa ka dambeeyay ma leedahay?.

Xussen: waxaa muhim ahaa maalintaa,26ka janaayo 1991,26 june1960 ,iyo 1 Luulyo 1960, isku si ayay ummaddu u wada faraxsanayd. Maxaa ka dambeeyay kuligood oo aan hadda ka heeynaa,??!! Kaalay 1 july lafteedii maxaa ka dambeeyay ood ka heeysaa, dagaalkii 77 maxaadka heeysaa, kulli waxay ahaayeen in marxalad gumeeysi laga gudbo.

Axmed : Haddaan wax fahmay, maalintaa waxa ay aheed maalin guuleed , ha noqon maan gaab,ha fiirin maxaa ka dambeeyaya oo kaliya ee fiiri maxaa ka horeeyay, oo ummadda oo dhan ay ugu faraxday guusha maalintaa? Waa dhibkii laga soo maray kali taliskii.

Yusuf: Mar kale , sow lama dhihi karo berri samaadkii !!,.

Xussein : Doqon ,haddii shalay ay adiga kuu ahayd berri samaad,anniga waxay ii ahayd berri sabbaad, maanta ayaa aniga ii ah berri samaad .

Cali: war sugga sow tii Soomalidu is dishay maxaa la faa’iiday?.

Xassan : shalay aniga kaliya ayaa walaalkey uu i dilayay, laakiin guul ayay ii ahayd aniga in aan is dilno intii kaligey la i dili lahaa.

Kuligiin ka soo qayb gala sadaxda xafladood tii aad rabtiin? Yahya Amir-na u yeera ayaa la yiri:

Yahya: Na sii wadda ,inta aan qoraalkaan kala maanka ah asaxaabta iyaguna kala maanka ah aan la wadaagayo.

Xafladdii waxay bilaabatay 7dii fiidnimo. Kuna bilaabatay dood aanan cidna gar lagu siin, waxaa lagu bedelay muusik, ciyaaro iyo casho qaaliya, dadkiina 3 ayay u kala jabeen, dadka qaar waxay xusayeen wixii ka horeeyay Maalintaa 26-Janaayo 1991,qaybta labaad ayaa xuseeysay maalintaa 26/1991 lafteedii oo ay u arkaan maalin la mid ah 1 july ,kooxda kale ayaa iyadu xuseesay wixii ka dambeeyay 26 janaayo 1991dii.

Goormee dhinac la isku raacayaa?.

Qore: Yahya Amir.