Diplomaasi Caalin Oo Falnqeynaya Guusha Safarkii Farmaajo Iyo Arimihii Uu Keating Ka Sheegay Shirkii QM Ee New York

Diplamaasi Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya, kuna sugan magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland oo lahadlay barnaamijka bartilmaameedka Simba ee kabaxa idaacada ayaa kahadlay arimao dhowr ah oo ay kamidyihiin Xilkaqaadistii Taabit safarkii Madaxweyne Farmaajo ee deeganada puntland iyo Galmudug arinta Maqaamka Muqdisho iyo hadalkii Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ugu sharaxay golaha amniga waxa Soomaaliya ay ku guuleysatay iyo caqabadaha ku gudban maamulka madaxweyne Farmaajo, muddada sannadka ku dhow ee uu xilka hayo.

Diplomaasi Maxamed Maxamuud Nuur Caalin ayaa ugu horeyn ku tilmaamay safarkii madaxweyne Farmaajo ee labada isbuuc qaatay uu ku maray deegaanada Maamulada puntland iyo galmudug inay soo celisay rajadii Soomaalinimada iyo astaantii dowladnimada dadkuna ay aamineen inay dowlad leeyiiin maadaama aysan in dhawaala ah arkin madaxweyne booqdo.

Caalin ayaa sidoo Xilka qaadistii Gdoomiyihii hore Taabit Cabdi Maxamed ku tilmaamay mid loo maray si Dastuuri ah dowladnimadana ay kamid tahay magacaabis iyo xil ka qaadis dadbadan oo ay wasiiro ka midyihiina kana mid ahaa dowladii Farmaajo xilka laga qaaday balse aan dadka looga baahneyn inay fasiraado kale kabixiyaan iyo muuqaal xun oo mishkilad siyaasadeed abuuri kara.
Diplomaasiga ayaa yiri ereyga maqaamka waa kalmad ay suufiyadu isticmaalaan waana darajo maqaamka caasimadu leedayaha waa caasimadba maqaam ka dambeeya majiro hadii ladoonayo in kuraas siyaasadeed lagu helo waxaay u baahantahay tiro koob iyo inta qof dagan lasoo cadeeyo waxayna arintaasi u taalaa golaha sharci dajinta ayuu yiri Caalin.

Diplomaasi Maxamed Maxamuud Nuur Caalin ayaa shegay in dowlada madaxweyne Farmaajo ay guul gaartay iyada oo xadiday heyadaha beenta ah ee shisheeye ee iska fadhin jiray Xafiiska Xalane sid uu Diplomaasiga hadalka u dhigay waxa uuna shacabka Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta dowlada ku booriyay in beesha caalamka aan dhag jalaq loo siinin waxyaabaha Nagativka ay sheegayaan.
Wuxuuna ku baaqay in talada ay noqoto talo Soomaali dowladuna lagu mucaaradin wanaaga ay wado wixii xun waa in laga midoobaa wixii fiicana loo midoobaa si buu yiri Caalin is usan habsan ugalin qorsha ay dowladu wadato.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii ay maamulka la wareegtay, muddo hadda laga joogo ku dhowaad Sannad, waxay wajahday dhibaatooyiin badan oo khilaaf siyaasadeed iyo mid amni ay ka mid yihiin..

Balse Diplomaasi Caalin wuxuu sheegay in dowladda ay la timid ajande wanaagsan oo la xiriira dhaqalaha, siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada arrimaha amniga haatana ay diirada u saarantahay howsha aasaasiga ah ee la wareegidda dhanka amniga