Falanqeynta Maant: xukumada Raysal wasaare khayre oo dadaal ugu jirta in deynka loo dhaafo hay’adda IMF

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Christine Lagarde ayaa la kulantay Raysal wasaare khayre

Markay ku kulmeen madasha looga hadlo dhaqaalaha aduunka iyo Sameynta uu ku leeyahay nolosha bulshada aduunka shirkan oo ka dhacaya Magaalada Davos, Switzerland.

Ujeedada ay Waftiga uu hogaaminayo Raysal wasaare khayr ee ka qayb galka shirka ayaa ah in dawlada faderaalka ee soomaaliya loo sameeyo sumcad wanaagsan oo ah in wadanka soomaaliya yahay wadan la maagashankaro una baahan hay’adda dhaqaalaha aduunka inay la shaqeeyaan sida IMF oo kale FAO

Raysal wasaare khayre iyo Madaxa (IMF)
Christine Lagarde ayaa ka wada hadlay xaalada dhaqaale ee soomaaliya oo wali meel adag taala waxay Ha’adda IMF wadaa Qorshe shuruud ku xiran tahay oo la doonayo inay xukumada Raysal wasaare khayre soo. Dhamays tirto

Haday dawlada Faderaalka soomaaliya shuruudahaa buuxiso waxaa suurta gal ah in Amaahda waqtiga dheer soomaaliya ku qoran laga dhaafi doono.
.
Shuruudaha Hay’ada IMF ku xirtay ayaan waxan Falanqaynta ku soo koobayaa Afar Qodob oo ah shuruudo waqti dheer qaadanaya.

Qodobka 1aad inay dawlada faderaalka soomaaliya sameysato lacag u gaara oo qiimo wax looga badasho ku fadhida shuruudaha lacagta aduunkana buuxisa.

Qodobka 2aad. Inlahelo bangiyo haysta damaanada hantiyeed oo Raasamaal sida dahabka oo kale xiriirna la leh gudaha wadanka iyo dibada wadanka. Kuna shaqeeya xeerka caalamiga ee heshiis lagu yahay.

Qodobka 3aad Waa in la helaa qaabka canshuurta ee dawlada faderaalku ku shaqeyso wadanka oo dhan iyadoo ah hanka canshuuraha ee sharciga ku cad wadanka iyadoo miisaaniyada lagu muujinayo

Qodonka 4aad. Ilaalinta lacagaha khaldan ee laga sabeeyo burcad badeednimo’ Maandooriyaasha ,musuq maasuq, waa in la helaa hay’addaha cadaalada oo nadiif ah. oo baarikara musuq maasuqa qa ka dhaca gudaha wadanka iyo dibada wadanka

Waxaa iska cad in hawl weyn ay sugayso shacabka soomaaliyeed si ay ula shaqeeyaan dawladooda si ay uga gudubto shuruudaha laga xiray inay ka gudubto.

Agaasimaha Guud iyo Raiisal wasaaraha Khayre ayaa ka wada hadlay kaalmada IMF ee Soomaaliya, gaar ahaan iyada oo loo marayo laba Barnaamij-oo ah xeeldheerayaal ka socda IMF oo ah shaqaale la soconaya xaalada dhaqaale ee soomaaliya oo dhan iyo in Dawlafa faderaalka soomaaliya laga caawiyo sidey u sixi lahay shuruudaha horyaala

Agaasimaha Christine Lagarde ayaa sheegay in kaamada ay siiyaan dawlada faderaalka soomaaliya ay siiwadi doonaan ilaa inta laga gaarayo in dawlada soomaaliya ay amaah qaadan karto.

iyadoo la adeegsanayo dadaalka habka wadamada dhaqaalahoodu liito (HIPC)

Hay’adda IMF ayaa sheegtay in deynta lagu leeyaha shacabka soomaaliyeed ayaa gaaraya $ 5.2 bilyan daynka oo waqti dheer soo socday.

IMF ayaa saadaalisay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kici doono sanadka 2019 marka lagaaro hadii lahelo siyaasad dhaqaale oo ay kawada shaqeeyaan soomaalida oo dhan. Taas oo ah kob cinta wax soo saarka iyo dib u habaynta lacagta ka timazda Qorbajoogta soomaalida

Qormadii Maxamed Caalim